Somaliska

Gacmo furan ku soo dhawaada Rugta caafimaadka ee Bergsjön
Turjubaan aqoon u leh caafimaadka oo xarunta kuu joogo.

Rugta caafimaadka dadweynaha iyo caruurta ee Bergsjön waxaa haleysaan dhakhaatiir ku soo takhasusay cudurada guud iyo kuwa caruurtaba, oo isugu jira dhaqaatiir rag iyo dumarba ah. Waxaa kale oo ay idin haynaa tarjubaano aqoon u leh caafimaadka oo xarunta idin jooga.

Waxay nala tahay in aad xaq u leedahay dhakhtar adiga kuu qaas ah iyo turjubaan mar warbo kuu joogo goobta markii aad timaadit, qof markii aad la kulantid ku yaqaana, ogna xaaladaada, taasi oo kuu fududeynaysa si aad u hesho dareen xasiloon iyo xaalad degan. Sidaas darteed waxaan halkan kuugu diyaarinay turjubaanoku hada afkaaga hooyo sida: af-carab ah, af-kurdi, af-somali iyo SKB.

Turjubaanada halkan idiin joogo waxaa ka mid ah:
Hussein Abdi Alasow
Zahra Aden:

Waqtiyada ay xarunta furan tahay:

Qaabilaada toos ka ah (Drop-in):
Isniin ilaa jimcaha: 07.50-11.00 Quaabilaada toos ka ah (Drop-in) waxaa la xiraayaa marka dhaqaartiirta waqtigooda buuxsamo. 

Hadii aad u baahan tahay inaad balan qabsato galabtii ka sameysato internetka laga bilaabo saacada 07.30.

Maalmaha uu furun yahay Rugta caafimaadka waa:
Isniin ilaa jimcaha: 07.50-18.00

Marka ay xarunta xiran tahay waxaad tagi kartaan

Närhälsan Gamlestand jourcentral

Isniin ilaa jimcaha: 18.00-22.00
Sabtida iyo Axada: 10.00-16.00

Lacagta lagaa qaadaayo: Hadii aad ka tirsan tahay waa 100 Kron. (Hadii aadan ka tirsaneen waa 300 kron)

Habeenkii waxii ka danbeeyo saacadaha 22.00-08.00 waxaad tagi kartaan cusbitaalada